Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka geestay Degmada Waabari Gobalka Banaadir?

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goor dhow Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ku dilay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.
Askarigan ayaa la sheegay in la Toogtay, xilli uu ku sugnaa Xaafadda Maajo ee Degmada Waabari.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.
Mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Waabari oo ku aadan dilka Askarigaasi.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida Qaraxyo iyo Dilal qorsheysan.