Waa Kuma Wasiirka Cusub Ee Gaashaandhigga Soomaaliya?

Maxaad ka taqaanaa taariiqda Wasiirka Gaashaandhiga?

Magaciisa oo buuxa waa Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ku dhashay magaalada Baydhabo 1957-dii, isla magaaladaas ayuu ku qaatay waxbarashadiisa illaa dugsi sare isaga oo ka baxay dugsiga Sheekh Aweys, Baydhabo qeybta adabka.
2014: Jaamacadda Culuum iyo Tecknolojiyada ee Sanca, Yemen waxaa uu ka dhameeyay cilmiga Arrimaha bulshada .
Hadda waxaa culuumta Xiriirka caalamiga iyo dilbloosiyada ka dhigtaa Jaamacad ku taalo dalka Uganda.
Shaqooyin:
1993-95: Guddoomiye ku xigeen magaalada Baydhabo.
2000 wixii ka dambeeyay waxaa uu ku howlanaa arrimaha banii’aadnimada, waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ahaa isaga oo aasaasay Wabiyow Community development association: Alqamar Tecknology Center ayuu halkaasi ka hirgeliyay oo markii ugu horeysana Technology-geliyay dadka reer Baydhabana baray, ku sameeyay dayactir biyo mareen-ka iyo tubooyinka Baydhabo 2001kii, Masaajidyada uu biyo geliyay iyo arrimo kale.
2009: Xildhibaan ayuu ka noqday dowladdii TFG isaga oo isla sanadkaas xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka noqday Wasiir hantida qaranka.
2012: Waxaa loo magacaabay Safiirka Turkiga, isaga oo wax badan ka qabtay dhismaha iyo qaabeynta safaaradda muddo 3 sano ayuu jagadaasi hayey.
2015: Mar kale, Xukuumadda Cumar Cabdirashid ayaa loo magacaabay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha
2016: Waxaa Baydhabo loogu doortay in uu ka mid noqdo Xildhibaannada golaha shacabaka
November 26, 2017: Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay wasiirka gashaandhigga Soomaaliya

WQ: Cabdicasiis gurbiye