Is Addoonsiga Libya Oo Heerkii Ugu Sarreeyay Gaaray Iyo Madaxda Afrika Oo Ka Shirsan Arrintaas

Waxaa ka furmay dalka Libya suuq cusub oo lagu addoonsado Afrikaanta, ay Soomaalida ku jirto, dunida oo idil ayaa ka dhiidhisay dhibaatada cusub ee kasoo cusboonaatay dalkaas.

Madaxda Afrika ayaa ku shiraya Abidjan si ay xal uga helaan dhibaatada cusub ee soo korodhay, taas oo ay Carabta Liibya iyo Barbariyiinta laga tirada badan yahay ay hoggaaminayaan.

Debro Corso waa gabadh Yahuudi Mareykan ah taas oo u ololeysa arrimaha banii Aadamnimada, waxa ay sheegtay in ay aad uga xun tahay dhibaatada ku habsatay dadkaa masaakiinta ah ee la kala iibsanayo,

Warnaahinta  ayeey u warantay waxaana ay sheegtay in taas ay soo xasuusineyso 10-qarni ka hor iyo dhulka saxaraha ka hooseeya sida uu ahaa.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa ku dhibtoonaya in ay maraan dalka Libya, iyagoo la kulma dhibaatooyin iskugu jira kufsi, dhac iyo addoonsi oo beryihii lasoo dhaafay kusoo kordhay.