DEG DEG:- Abuu Mansuur Oo Safar Aan Horey Loo Sii Shaacin Ku Tagay Gobolka Bakool

Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa safar aan horey loo sii qorsheyn ku tagay degmada Xuddur ee gobolka Bakool koonfurta Soomaaliya.

Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaa kooxda Alshabaab ayaa bartamihii sannadkan ku dhawaaqay in uu ka baxay kooxdaas islamarkaana uu berri ka yahay waxyaabaha ay sameynayaan.

Wefdiga wadaadka waxaa ku wehliya wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdirashiid Cabdullahi kaas oo dhowr jeer oo horeyna la safray wadaadka.

Si kastaba ah ahaatee weli lama caddeyn ujeeddada dhabta ah ee safarka Sheekh Mukhtaar Rooboow, waxaase loo badinayaa in uu kormeeri doono ciidankiisa daacadda u ah ee kusugan gobolka Bakool.

Wixii warar ah oo kusoo kordha safarka Rooboow dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa inshallah.