Waaxaha Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Rag La Sheegay In Ay Dileen Haweeney 65 Jir Ahayd

Guddoomiyaha degmada Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu soo dhigay rag dabley ah oo habeen ka hor ku dilay deegaankaas haweeney 65 jir ah.

Siteey Maxamed Aadan ayaa kamid ahayd ciidanka qalabka sida, ha yeeshee laba sano ka hor ayaa la ruqseeyay,  hayeeshee kooxo hubeysan ayaa gurigeeda ku dilay.

Guddoomiyaha Garasbaaley ayaa xaqiijiyay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxdii dilka geysatay, waxaana uu sheegay in ay caddaaladda la tiigsan doonaan.

Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale u beegsatay shakhsiyaad dowladda hore ugu tirsanaaan jiray ha yeeshee ka baxay, waxaana loo maleeyaa in weerarkaas iyaga ay ka dambeeyaan inkastoo aysan sheegan, haddana waxaa la aaminsan yahay in ay iyaga ka dambeeyaan.