Alshabaab Oo Weerar Ba’an Ka Geystay Gudaha Magaalada Muqdisho

warar aynu ka heleyno Alshabaab ayaa sheegaya in ay kooxdaas weerar ba’an ku qaadeen degmada Hiliwaa ee gobolka Benaadir,

Wararka waxa ay intaas ku darayaan in koox hubeysan ay weerareen warshaddii hore ee Barfuumka, halkaas oo fariisimo u ahaa ciidan ka tirsanĀ  dowladda Soomaaliya.

Maleyshiyada Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas waxa ay sheegeen in uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay koox riddo ah oo ku sugneed warshaddii hore ee Barfuumka sida ay hadalka u dhigeen,

Ma ahan markii ugu horreeysay oo ay Alshabaab weerar noocan ah ka fuliyaan gudaha degmadaas, oo lagu xanto in ay tahay degmo ay ku badan yihiin kooxda Shabaab.