Alshabaab Oo Gacanta Ku Dhigay Diyaarad Drone Ah Oo Mareykan ku Leeyahay

Warbaahinta Alshabaab afkooda ku hadasha ayaa werinaysa in diyaarad nooca aan duuliyayaasha wadin ay kusoo dhacday agagaarka buuraha Goolis ee gobolka Bari.

Alshabaab ayaa sheegay in diyaaraddaas ay lahaayeen waxa ay ku tilmaameen cadowga alle ee Mareykan ka.

Diyaaradan oo ah noocyada duuliye la,aanta ee Drone-ka ah ayaa waxey kusoo dhacday Buuraha Goolis gaar ahaan buuraha Calmadow, waxaana nooceeda ay ahayd kuwa wax basaasa oo ay dowladda Mareykan ka u isticmaalayeen jaasuusidda sida ay hadalka u dhigeen kooxdaas.

Weli wax war ah kama soo bixin dhanka Puntland iyo dhanka dowladda Mareykan ka oo ku aaddan sheegashada Alshabaab ee ah in ay gacanta ku dhigeen diyaaraddaas Dronka ah.

Mareykan ka ayaa howl gal joogta ah ka wada gudaha Soomaaliya si uu u baacsado kooxaha xagjirka ah ee ay Alshabaab kow ka tahay,