Ma Dhabbaa In Firdhadka Saraakiil Caan Ah Oo Alshabaab Ka Tirsan Ay Soo Galeen Gobolka Shabeellaha Dhexe?

Taliyaha guutada 52 ee ciidanka qalabka sida Jeneraal Axmed MAxamed Tareeddishe ayaa u sheegay saxaafadda in saraakiil ka tirsan kooxda Shabaab ay soo galeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, ka dib  duqeyntii dhawaan lala eegtay.

Jeneraal ayaa sheegay in ay baacsan doonaan haraadiga kooxdaas, islamarkaana ay dabar jari doonaan, maadaama ay soo jabeen hadda, welina uu ku socdo dagaalka kaga imaanaya dowladda SOomaaliya iyo saaxiibbadeeda.

Tareeddishe oo saxaafadda ugu waramayay Baladwayn ayaa sheegay firdhadkaas ay kusii jeedaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

“Waxa ay ka soo baxsadeen duqeymaha koofurta Soomaaliya waxayna ku soo jeedaan Galgaduud iyo Mudug umana ogolaanayno inay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan deegaanada ay qaxa ku yimaadeen.”ayuu yiri Taliyaha guutada 52aad General  Axmed Maxamed Tredishe.

Mareykan ka ayaa dhowr jeer oo horey duqeymo kaga geystay gudaha Soomaaliya, todobaadkii lasoo dhaafay waxa ay sheegeen howlgalka Mareykan ka ee AFCOM in ay duqeeyeen xero ciidan oo ay Shabaab lahaayeen.