Ciidanka Xasilinta oo 4 qof oo hubeysan ku qabtay Muqdisho?

Ciidamada Xasilinta ee Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Afar Qof oo hubeysan,kuwaas oo sheegay in ay ka tirsanyihiin Milatariga Soomaaliya.
Afarta Qof ee la qabtay ayaa sheegay in ay ka midyihiin Milatariga Soomaaliya,waxaana xilliga la qabanayay ay wateen Dharka Rayidka.
Howlgalka ayaa ka dhacay Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodon Magaalada Muqdisho,waxaana la xaqiijiyay in Ciidamad Xasilinta ay afarta Nin ka qaateen Afar Qori oo nooca Kuuriyaanka loo yaqaanna watay.
Dhinaca kale Xaafadda Jaamacadaha ee Degmada Hodon ayaa iyana la sheegayaa in xalay Koox Baskoolado ku hubeysan ay ka afduubteen Askari ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Ciidamada dowladda ee Jowhar ka mid ah.
Lama oga halka lala aaday Askariga laga afduubtay Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodon,waxaana sidoo kale wali ka hadlin Maamulka Degmada Hodon.
Shalay ayey ahayd markii Ciidamo ka wada tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya ku dagaallameen Isgoyska Sanca qeybta Kaaraan,halkaas oo ay ku dhinteen 2 ka mid ah Ciidamada Nabad Sugidda.