Amiirka Alshabaab Oo Raacaya Waddadii Axmed Godane Iyo Khilaafkii Ugu Darnaa Oo Kooxdaas Hareeyay

Axmed Diiriye oo loo yaqaanno Abuu Cubeyd waa amiirka kooxda Khawaarijta ee Alshabaab, wuxuu jagadan ka baddalay dhiggiisa Axmed Godane kaas oo ahaa hoggaamiyihii ugu wakhtiga dheeraa kooxdan.

Godane ayaa ku dhintay weerar duqeymo ah oo ay dowladda Mareykan ka ka geysatay gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Tan iyo xilligaas Abuu Cubeyd ayaa loo doortay hoggaamiyaha kooxdaas, balse wuxuu lahaa karti ka yar middii uu caanka ku ahaa Amiir Axmed Godane, ha yeeshee taas waxa ay keentay in ay agtiisa ku noolaadaan hoggaamiyayaal badan oo kooxdaas ka tirsan, si caksi ku ah Axmed Godane oo laga kala cararray.

Ha yeeshee Axmed Diirriye ayaa hadda yeelanaya sifo lamid ah sifooyinkii liitay ee Axmed Godane, waxaana sifooyinkaas kamid ah keligii talisnimada; wargeys laga leeyahay dalka Kenya ayaa baahiyay in mas’uuliyiinta Alshabaab ay isku dhaceen ka dib weerarkii Soobbe.

Kooxda Shabaab waxa ay leedahay majlis ama gole shuurro kaas oo lagu gorfeeyo arrimaha u gaarka ah kooxdaas, ha yeeshee weerarkii Soobbe Axmed Diiriye isagoon cidna kaga amar qaadan ayuu iskiisa ku go’aansaday, taas oo ka careysiisay dad badan oo kamid ah madaxya waynta kooxdaas.

Taas waxa ay keentay in ay kala aragti fogaadaan isaga iyo qaar kamid ah madaxda kooxdaas, waxaana lagu soo waramayaa in uu hal hal u beegsanayo cid walba oo kasoo horjeesatay go’aankisii Soobbe.

Mahad Karataay waa madaxda sirdoonka Kooxdaas wuxuuna kamid yahay dadka aan u riyaaqsaneyn go’aankii Abuu Cubeyd ee dhacdadii Soobbe.

Mas’uuliyiinta kooxdaas ayaa hadda firdhad galaya, taasna waxaa sabab u ah Axmed Diiriye oo bilaabay qorshe lamid ah kii uu kalsoonida badan ku lumiyay Axmed Cabdi Aw Muxummud Godane oo Amiir u ahaa kooxda khawaarijta Alshabaab.