Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya oo La Magacaabay

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhaweyd magacaabay wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya.
Kheyre ayaa wasiirka Cusub ee wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya u magacaabay Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan kaasi oo xukuumadii hore kasoo noqday Wasiirka Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa saacadihii la soo dhaafay wadatashi la lahaa Madaxweynaha dowladda Soomaliya Farmaajo, si uu u soo magacaabo xilka Wasiirka Gaashaandhigga.
Sidoo kale Kheyre ayaa magacaabista wasiirka Gaashaandhiga kala tashaday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan,kadib safar uu ku tagay magaaladda Baydhabo.
Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa xilka ka badalaya wasiirkii hore ee Gaashaandhiga soomaliya Abdirashiid Abdulaahi Maxamed kaasi oo bishii October iska casilay xilka wasaaradda.