Waa Kee Qabiilka Ugu Badan Ee Loo Qoray Ciidanka Shacabka

Dhawaan ayeey ahayd markii uu madaxwaynaha Soomaaliya ammaannay dufcaddii koobaad ee ciidanka Shacabka kuwaas oo dhawaan uun la sameeyay.

Dadka qaar ayaa is wayddiinaya waxa dhabta ah ay yihiin ciidankaas, ha yeeshee su’aasha kale ee muhiimka ah waxa ay tahay sidee baa loo xulay.

Xeeldheerayaal ayaa qaba in qaab qabiil lagu xulay ciidanka shacabka, haddii ay dhacdo middaas, waxaa imaaneysa qabiilkee baa u badan ciidankaas dhowaan galka ah.
Saraakiil badan oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay beesha Raxan Wayn ay tahay tan ugu badan ee laga qaatay ciidanka cusub.
Sababta middaas ka dambeysa ayaa ah in Farmaajo uu iska ilaallinayo ciidan isku toosan oo Hawiye u badan, sida ay aaminsan yihiin siyaasiyiin badan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya.