Sawirro: Askar katirsan Ciidamada Xasilinta Oo Muqdisho Ku Dagaalamay

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Sanca ee Gobalka Banaadir aya ku waramaya in maanta halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamo kawada-tirsan Kuwa Xasilinta Caasimada ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa la sheegay iney ku geeriyoodeen laba kamid ah askarta Ciidamadii halkaasi ku dagaalamay , inkasto markii danbe halkaasi laga qaaday labada askari ee dagaalka ku Geeriyooday.
Ilo dadka deegaanka ayaa inoo Xaqiijiyay in Ciidamada ka wada tirsan kuwa Xasilinta Caasimada ay dagaalamayeen ku dhawaad mudo saacad ka badan balse aysan Xaqiiji Karin qasaaraha rasmiga ee ka dhashay iyo waxa sababa dagaalkaasi.
Lama oga ilaa iminka waxa sababay dagaalka maanta Isgoyska Sanca ku dhax maray Ciidamada Dowlada.
Xiriiro aan  la sameynay Saraakiisha Ciidamada Xasilinta Caasimada ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan waxa sababay Dagaalkan maanta Ciidama dhax maray, inkastoo ay shegeen iney dib  kaga shaacin doona qasaaraha ka dhashay dagaalka iyo waxa sababay intaba.
Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa caadi ka ah iney dagaalamaan Ciidamada Dowlada, waxaana arintaasi lagu macneyay Ciqaab la aanta Madax dowladaee Saraakiisha Hogaamineysa Iska hor imadyada Ciidamada Dowlada ku dhax mara Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaaliya.
1
1
2 1
2 1
3 1
3 1

4
4