Gudoomiye Cali Gacal “ oo Si Yaableh Ugu Hadlay Wadahadalada Jabuuti Ugu Furmay Galmudug iyo Ahlu Sunna?

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in wada hadalada u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna uusan aheyn wada hadal Rasmi ah oo labada dhinac u dhaxeeya.
Waxa uu tilmaamay in Madaxda Dowladda iyo isaga qudhiisa ay la hadleen Urur Goboleedka IGAD oo Shirkaan Mas’uuliyadiisu leedahay, isla markaana ay IGAD u sheegtay in Tababar (Siminaar) uu yahay, isla markaana aanan aheyn Wada hadal rasmi ah.
Gudoomiye Gacal ayaa meesha Ka saaray in jiritaanka wada hadalka Jabuuti in uu yahay mid heshiis labada dhinac ay wada gaarayaan isla marakaana wadatashiyo iyo go’aamo kasoo baxayane aanan jirin.
Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay hadii wadahadalka soconaya urur Goboleedka IGAD-ne uu sheegay in uu yahay mid tababar lagana soo saaro qodobo heshiis ah aanan aqbali doonin ka gudoon ahaan.
Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa sheegaya in wadahadalada soconaya in ay yihiin kuwo rasmi ah, isla markaana laga sugayo in laga soo saaro waa kolka uu soo dhamaado wajigiisa 2-aad waxyaabaha ay labada dhinac ku heshiiyeen.