Deg deg: Dagaal Xooggan oo ka socda Degmada Dharkeenleey ee Gobalka Banaadir?

Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkeenleey ee gobalka banaadir ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Ciidamo ka  tirsan kuwa Booliska iyo dadka deegaanka.
xiriiro aan  la sameynay dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayaan rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska iyo dadka degaanka, kadib markii ciidamada booliska gobalka Banaadir ay isku dayeen iney bur buriyaan guryo dowladeed oo dadka maanta booliska la dagaalamaya ay daganayeen.
Is rasaaseyntaan ayaa la xaqiijin wali qasaaraha rasmiga ee ka dhashy maadama wali is rasaaseynta laga maqlayo aaga Siliga Amerikanka ee degmada Dharkeenleey ee Gobalka banaadir, balse wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in halkaasi ay soo gareen Ciidamo katirsan kuwa Nabad sugida oo doonaya iney kala dhax galaan Ciiidamada Booliska iyo kuwa dadka deegaanka ee halkaasi ku dagaalamaya.
Wali wax war kama soo bixin Maamulka degmada Dharkeenleey ee Gobalka Banaadir oo ku adan is rasaaseynta la sheegay iney ka soconeyso aaga Siliga Amerikanka ee Degmada dharkinley.
Waxii kusoo kordha waan idinla wadaagi doonaa Insha,allah