Waa Kuma Siyaasiga Loogu Hadal Heynta Badan Yahay Villa Soomaaliya?

Dhab ahaantii hadal adkaanta iyo hadalkarnimada waa kala labo, sida ay sheegaan culimmada ku taqasusay cilmiga hadalka iyo qeybihiisa.

Qofka haddii ay u simmaan qof hadal badan iyo qof codkar ah, mar walba cabsidiisa waxa ay ku badan tahay kan codkarka ah, oo cabsi badan kama galo qofka hadalka badan.

Si lamid ah marka ay imaato mucaaradnimo, waxaa jira siyaasiyiin hadal adag oo mar walba hadla, iyo kuwa codkar ah oo yaqaanna hadalka meesha uu ku habboon yahay iyo sidii loogu falcen karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa leh mucaarad aad u badan kuwaas oo leh labada sifo ee aan soo sheegaynay, balse mar walba dowladda waxa ay cabsi ka qabtaa siyaasiyiinta aan iska hadlin ee codkarka ah islamarkaana sida caqli galka ah wax u naqddiya.

Illo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa ii xaqiijiyay in marka la is bar bar dhigo Mahad Salaad oo ah midka ugu codka dheer mucaaradka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna ah kan ugu codkarsan mucaaradka in dowladda ay mar walba dhib u aragto Cabdishakuur oo ah codkar hadalka heli og.

Dhowr jeer oo horey ayeey isku dayeen in ay qaboojiyaan dagaalka Warsame, balse taageerrada uu ka helayo Imaaraadka ayaa diideysa in uu wada hadal la galo dowladda.

Mar walba oo uu wax soo dhigo ama uu qabto barnaamij, Villa Soomaaliya ayaa gilgillata oo su’aallo badan ayeey soo tuftaan, taasna waa sababta ay mar walba dhallinyarada dowladda ah ee u jidbeysan facebook-ga u weerarraan islamarkaana lacago loogu bixiyo sidii looga gubi lahaa sharafta iyo sumcadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur.