Ma Dhabbaa In Alshabaab-ka Kenya Ka Dagaallama Ay Kala Jabeen? (Sir Culus)

Kooxda Alshabaab ayaa saameyn xooggan ku leh gudaha dalka Kenya, waxaase warbaahinta dalkaas ay werinayaan ay kala jabeen ururka Alshabaab kuwooda ka dagaallama dalka Kenya.

Axmed Iiman oo ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda Khawaarijta Alshabaab gaar ahaan kuwa ka dagaallama dalka Kenya ayaa caddeeyay in uu si gooni ah ka istaagay kooxda shabaab.

Warkan ayaa ah kan loogu hadal heynta badan yahay gudaha dalka Kenya, waxaase loo badinayaa in ay sara u qaaddo xiisaha amni ee dalkaas.

Xeeldheerayaasha ayaa aaminsan in tani ay Kenya u horseedi karto kala jab hor leh iyo hoggaan cusub oo mideysan kaas oo ujeeddadoodu tahay ka dagaallanka dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee weli wax war ah  kama soo bixin dhanka Shabaab iyo dhanka dowladda Kenya, ha yeeshee waxaa uu u muuqdaa marxalad cusub iyo waa cusub oo uu galay dagaalka Kenya iyo Shabaab.