Iska hor imaad Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho iyo warar dheeriya?

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya iyo Ciidamo Malatari ah ayaa ka dhacay goordhaweyd Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Sid ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidanka NISA ay ku baxeen raggan ciidanka Militariga ka tirsan oo doonayay inay  dhacaan nin iska leh milkiyada guri ku yaallo Degmada Waaberi.
Ciidamada NISA ayaa ku guuleystay qabashada 5-nin oo ka Tirsan Malatariga Soomaliya iyo hubkii ay wateen, waxaana baxsaday hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya  in laba ka mid ah ciidamada Militariga dowladda Soomaliya  ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi.
Goobta iska hor imaadka uu ka dhacay oo ku dhaw nawaaxiga buundada ku aadan xarunta Degmada Waaberi ayaa waxaa goobtaasi tagay Gudoomiyaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha ciidamada.