Qarax Ciidamada AMISOM Lagula eegtay Inta u dhaxeysa Degmooyinka Baraawe iyo Buulo mareer

Ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa qarax miino oo dhulka lagu aasay waxaa lagula eegtay wadada isku xirta degmooyinka Baraawe iyo Buulo mareer oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada Hoose.
ilo degaanka oo aan  la xiriirtay ayaa sheegay kolanyada ciidamada Uganda ee qaraxa lala eegtay iney ku sugdaalayeen Duleedka degmada Buula mareer ee Gobalka Shabeelada Hoose, halkaasina lagula eegtay Qarax Miino oo ah Kuwa Meelaha fog laga hago, balse aysan Xaqiiji karin Qasaaraha Soo gaaray Ciidamada AMISOM.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Ma’uuliyada Qaraxan waxeyna sheegeen Miinada ay ciidamadooda dhulka ku aaseen iney haleeshay oo burburisay gaari Taw ah waxaa sidoo kale qaraxan dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsanaa Ciidamada Uganda, sida Al-shabaab ay sheegeen.
Gobalka Shabeelaha hoose ayaa ka mid ah gobalada Ciidamada AMISOM lagula eegto Qaraxyada iyo Weerarada in badan ay sheegtaan Al-shabaab.