Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, halkaasi uu kulumo kula qaadan doono Mas’uuliyiinta Dowlada iyo Gudoomiyaha barlamanka Somaaliya.
Gudoomiyaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Jabuuti iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.
Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa ka socota Magaalada Muqdisho , iyadoo marka uu tago lagu wado inuu kulamo la qaato Gudoonka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari” iyo Mas’uuliyiin kalo katirsan Madaxda Qaranka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Xildhibaanada uu hoggaaminaayo ayaa sidoo kale lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ku sugnaan doonaan Muddo Seddex Cisho ah, iyadoo shirka gaar gaar ah ay la yeelan doonan Madaxda Sare ee Dalka.
Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka qaar sakay lagu arkayay Ciidamo katirsan kuwa Dowlada oo heegan ku jira.
Waxii kusoo kordha Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waan idinla wadaagi doonaa.