Faah faahin : Dagaal ka dhacday Magaalada Gaalkacyo?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya is rasaaseyn dhexmartay laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug, taasi oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
Is rasaaseyntan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii la isku qabsaday Bakhaar laga dhisayay suuqa dhexdiisa, waxaana dagaalkan kooban ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac ah.
Inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhimatay halka Afar kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkii dhaawacmay oo ahaa dad shacab ah loo qaaday goobaha caafimaadka ee magaalada Gaalkacyo.
Shacabka ku sugnaa suuqa ayaa muujiyay walaac ku aadan is rasaaseyntan dhacday, inkastoo markii dambe dhaq dhaqaaqa suuqa uu ku soo laabtay sida caadiga aheyd.
Masuuliyiinta degmada, Gobolka iyo Odayaasha labada dhinac ayaa waxa ay gaareen goobta ay waxyeeladu ka dhacday, waxaana ay wadaan dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka jira.