Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Thaabit Cabdi Maxamed Oo Si Wayn U Caawiyay Wiil Yar Oo Xaaladdiisa Caafimaad Dalka Wax Looga Qaban Waayay

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Abdi Mohamed ayaa si buuxda u caawiyay qoyska wiil yar oo ka xanuunsan wadnaha kaas oo dalka gudihiisa wax looga qaban waayay.

Mr Taabit ayaa wiilkan iyo aabihii siiyay baasaboor iyo Viso si dalka dibadiisa loogu soo daaweeyo, duqa Muqdisho ayaa goobta ka sheegay inuu si dhow ula socon doono xaaladda wiilkan yar.

Qoyskaan ayaa uga mahad-celiyay gudoomiye Taabit iyo maamulkiisa sida xilkasnimada leh ee ay uga caawiyeen iney wiilkooda caafimaad dibada ugu qaadaan.

Taabit ayaa wali wada qorshihiisa la fal-galida kuwa ugu nugul shacabka Muqdisho.

Hoos ka daawo sawirrada.

Fb Img 1511346032298Fb Img 1511346032298

Fb Img 1511346027169