Xalka Hirshabeelle Waxa Ay Ku Jirtaa In Aysan Noqon Sida Galmudug Oo Kale

Madaxwaynaha Hirshabeelle Mudane Waarre iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaas waxaana ay isku heystaan sida loo magacaabayo wasiirrada  maammulkaas.

Warar ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay ku cadaadineyso waarre in uu si hufan u sameeyo golaha cusub, maadaama maamulkaas uu curddin yahay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa danta ay ku jirtaa in la oggolaado raali gelinta dhammaan dhinacyada ay wax ka dhaxeeyaan haddii aan la dooneyn in la noqdo sida Galmudug oo kale.

Siyaasiyiinta qaar ayaa ku talinaya in Waarre uu fursad siiyo wasiirradii hore ee maamulkii Cosoble si ay u noqoto dowlad wadaag ay cid walba iska dhex arag.