Muuse Biixi Oo Noqday Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland

Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyey goor dhow natiijada doorashadii 13-kii bishan dhacday waxaana ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo musharrax madaxweyne u ahaa Muuse Biixi.
Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka:
Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19%
Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73%
Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17%
Deegaanno badan oo Somaliland ah waxaa durba ka bilowday dabaaldegyada ay sameynayaan taageerayaasha xisbiga Kulimye.