Mareykanka oo Ciidamo La Dagaalama Al-shabaab iyo Daacish Usoo Diraya Somalia!

Maamulka Trump ee mareykanka ayaa laba jibaaraya tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya Sanadkan, oo ah heerkii ugu sareeysay tan iyo dagaalkii Black Hawk Down sanadii 1993-dii xiligaa oo ciidamada mareykanka laga dilay 18 askar.
Xiligan waxaa ciidamada mareykanka ee soomaaliya ku sugan tiradoodu ay ka badan tahay 500 oo askari kuwaa oo ka howlgalaya gudaha dalka Soomaaliya.
Qorshahan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee madaxweynaha mareykanka uu ku kordhinayo howlgalkiisa military ee uu kula dagaalamayo kooxaha jihaadiyiinta ee qaarada Africa oo Daacish-ta soomaaliya iyo Kooxda al shabaab ay kamid yihiin.
Dowladda mareykanka ayaa hadda qorsheyneysa in ciidamo ay u soo dirto Soomaaliya kuwaa oo talooyin iyo tababar siinaya ciidamada dowlada federalka Soomaaliya si ay uga adkaadaan dagaalyahanada dowladda ka soo horjeeda.
Waxaa sidoo kale waaxda difaaca mareykanka ee Pentegonka loo yaqaano ay kor u qaaday weerarada loo adeegsado diyaaradaha drones-ka kuwaa oo ka howlagallo ka fulinaya goobaha ay gacanta ku hayaan dagaalyahada al shabaab iyo daacish-ta soomaaliya ka howlgasha.
Tan iyo bilowgii sanadkan 2017 waxaa military-ga mareykanka ay soomaaliya ka geesteen 28 weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha drones-ka, in kabadan 15 duqeynna waxaa ay geesteen bishii September waxaana taliska mareyklanka qaarada Africa ee loo yaqaano Africom sanadii 2016-kii soomaaliya uu ka uliyay 15 duqeymo ah oo lala beegsanayay dagaalyahanada Kooxda Al shabaab.
Saraakiisha Dowladda mareykanka ayaa walaac xoogan ka qaba kobaca ay sameenayaan kooxda lamagac baxday dagaalyahanada Islamiga ee loo yaqaano ISIS kuwaa oo looga guuleestay dagaalka ka soconaya wadamada Iraq Iyo Syria.