Deg Deg:Madaxweynihii Dalka Dalka Zimbabwe oo Iscasilay!

Madaxweynihii  dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Madaxweynaha dalkaas.
Robert Mugabe ayaa baarlamaanka hortiisa uga dhawaaqay goor sii horeysay inuu is casilay.
Talaabadda uu qaaday Madaxweyne Robert Mugabe ayaa noqotay mid la yaab leh kadib markii uu dhawr jeer oo hore ku adkeystay inuusan is casileyn.
Warqad uu soo saaray Madaxweynihii Zimbabwe Mr Mugabe ayuu ku sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid ikhtiyaari ah oo aysan cidna ku qasbin sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters ay baahisay goor sii horeysay.
Madaxwyenahaan ayaa xilka hayey ilaa 1980-kii, waana 93-sanno jir.