Booliska DFS Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Wareejinayay Xubnaha Banii Aadamka

 Booliska Dowlada Soomaaliya ayaa Gacanta ku dhigay Nin watay qaar ka mid ah Xubnaha Bini-aadamka oo ku sugnaa Xero Barakacayaal ah oo ku taala degmada Deyniile ee G/Banaadir.

Qof ka mid ah dadka ku nool Xerada Asluubta ee Duleedka Muqdisho ayaa Sheegay In Habeen hore ay Arkayn Lug iyo Gacan maantana Isla goobtii lagu qabtay Nin watay Gacan Dumar oo Cilaan marsan waxaana dadka deegaanka ugu yeereyn Booliska.

Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa ii sheegay in aysan ogeyn Sababta arintaan ku qasabtay ninkaan waxaana ku socda Baaritaan ay wadaan Booliska, ninka la qabtay ayaa ka mid ah Barakacaayasha deggan Xeradaasi waxa uuna kaligiis daganaa dhismo yar oo ku yaala Xerada dhaxdeeda.

Waxaa qoray Hussein Abdulle Mohamed