“Murusade Talloow Maxaa Ku Dhacay?!” Qoraal Xiiso Badan

Tan iyo markii la doortay madaxwayne Farmaajo isna uu soo magacaabay Ra’iisul wasaarre Kheyrre oo heyb ahaan kasoo jeeda beesha Murusade waxa isa soo tarayay taageerrada indha la’aanta ah ee ay muujinayaan Kheyrre.

Dhammaan dadka ku mideysan dalladda Karanle ayaa u midoobay, taas oo xitaa dhanka wanaagga marka laga eego aan wanaagsaneyn sida ay sheegaan culimada Pyscology-ga, maadaama ummad dhan oo wada muxaafad ah aysan waxba sixi karin, oo indha la’aan ay taagan yihiin.

Aqoonyahanno, iyo siyaasiyiin caan ah ayeey leedahay beeshaas, ha yeeshee dhibaatada heysata ayaa ah in ay dhammaantood wada taageereen Kheyrre, islamarkaana ay ka xigsadeen dadka kale ee kasoo horjeeda.

Mustaf Dhuxuloow, Dhagey Geelle , Dhag Dheere, iyo qaar kale oo kamid ah siyaasiyiinta Ceel Buur ayaa u muujiyay taageero, inkastoo ay jiraan kuwa ka gaabsaday oo kasoo horjeeda sida Axmed Macallin oo beel ahaan ah Murusade Foor Culus Abbakar, islamarkaana guddoomiye u ah xisbiga Daljir ee mucaaradka.

‘Taloow Murusade maxaa ku dhacay? mise xukunka macaantiis bay hadda uun arkeen” ayeey iswayddiinayaan inta badan dadka.

Inkastoo ay muhiim tahay in aan la iska mucaaradin dowladda haddana ┬áma oggolaadaan in si caadi ah loo naqdiyo taas oo keenay is fahan waa’ iyo kala duwanaasho fikir.