Maxaa Farqi Taariikheed Oo U Dhaxeeya Muqdisho Iyo Xamar? (Qormo Macluumaad Xambaarsan)

Sida laga warhayo, caasimadda Soomaaliyeed ayaa labadaa magac wada leh. Magaca Xamar ayaana aad u fil weyn, isagaana ka horreeyay magaca Muqdisho.

Taariikhdii magaaladaas waxaa ka warrama dhaqanka soo jireenka ah ee reer Xamarka u gaarka ah, iyo qoraalladii hore. Sheikh Abba oo wargeyska Deyniille u warramayay (30/04/2002)ayaa sheegay in magaca Xamar uu ka yimid nin Carab ah oo magaciisa la oran jiray Kuraad Bin Asca Al Ximyari, kaas oo dhidibbada u aasay magaalada Xamar sannadkii 255M.k.h.

Shariif Caydaruus (1955:36) isna wuxuu qabaa in sannadkii 102M.k.h. ay koox reer Ximyar ah yimaadeen magaalada Xamar oo uu markaa ka talinayay nin la yiraahdo Garbo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa magaaladaas ku dhacay burbur xooggan oo aan sababtiisa la caddeyn. Magaca Xamar Jajab oo loo yaqaanno xaafad ku taallo magaalada Muqdisho, ayaana muujinaya in ay jirtay magaalo burburtay.

Magaalada Xamar haraageedii ugu dambeeyay waxaa dhulka lagu daray xilligii gumeysiga Taliyaaniga (1930) si halkaas looga sameeyo gego diyaaradeed oo haatan loo yaqaanno Afisiyoone (aviazione).

Magaaladaas dadkii degnaa waxa ay usoo guureen dhanka xeebta aan ka fogeyn degelkii hore, halkaasaana qarnigii 10-aad M.k.d, muslimiin Carab iyo Iiraanniyiin iskugu jirta oo kasoo qaxay jasiiradda Carabta iyo agagaaraheeda, ku aas aaseen magaaladaas dambe oo ay  u bixiyeen Muqdisho.

Sida ku xusan qoraallo badan, waa suurtaggal in magaaladaas dambe loo bixiyey magaca Muqdisho, xilligaas (qarnigii 10-aad), laakiin in aas aaskeedu xilligaas uu ka horreeyay ayaa muuqata, waxaana taas muujinaya taariikhda ku qoran laba qabri oo qaddiim ah, kuna aasan yihiin laba haween, kuwaas oo qarnigii aan soo dhaafnay laga helay magaalada Muqdisho, (Cerculli 1957, V III,; Riiraash, 1974;12), waxaaa ay kala yihiin:

  • Faatima Bint Cabdisamad Yacquub oo geeriyootay maalin Sabti 22 Jamaaddul Awal 101-Hijriyah.

  • Al-Xaajiya Bint Maqdaam Muxammad oo geeriyootay 5-tii Duk Xaj sannadkii 138 HJ.

Haddaba taariikhda ku qoran labadan qabri oo ku aaddan qarnigii 8-aad ee Miilaaddiyada, waxa ay ka horreysaa muddo laba qarni ah xilliga lagu sheegay in Muqdisho la aas aasay, oo ahayd qarnigii 10-aad ee Hijriyada.

TIXRAAC:-

Buugga Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu qoray Cabdalla Cumar Mansuur, daabacaaddiisa labaad Loox Press, (bogga 141-42).

Xigasho:- xarunta hormarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee IFIYE Muqdisho.

 https://www.facebook.com/Xaruntaifiye1/