Dhaqan Lamid Ah kii Hoggaamiya Kooxeedyadii Oo Markale Muqdisho Lagu Arkay Iyo Dumarka Oo Cabsi Badan ku Dareemaya Gudaha Caasimadda

Magafe yo Burcad dadeed cusub ayaa ka bilowday Mogadishu.

Xilli dharaar cad ah ayaa laga afduubtay Xaafad Muqdisho ka mid ah.
Saacado kadib waxaa lasoo wacay familkeedii, gabadhii oo Indhaha iyo gacmahana ka xiran qoryana lagu haayo ayeey sawir ka qaadeen qof familkeeda ka tirsana loo soo diray Waxaana loo sheegay In hadii ay Nolol ku rabaan Gabadhooda 300 dollar EVC ahaan kusoo diraan isla waqtigaas.

Waxaa la waydiiyay “Siday ku xaqiijin karaam In Nolol ay ku heli doonaan gabadhooda, lacag waa diyaaree ?
Way xanaaqeen taleefanada ayayna dansadeen.
Wareer iyo walwal badan ka dib, Maqribadii ayay markale soo hadleen una sheegeen In 300 dollar gabadha taleefankeeda kusoo shubaan daqiiqado gudaheed hadii kale ay naf wayn doonto gabadhooda.
Lacagtii waxaa lagu diray Gabadhii taleefankeeda, lacagtiina way kala baxeen taleefankeediina way qaateen.
Mar danbe ayay soo hadleen una sheegeen reerka In gabadhooda ka qaataan Isbitaalka masaarida horteeda.
Hada gabadhii waxay jiiftaa mid ka mid ah isbitaalada magaalada aad ayayna u jir dilantahay. Welina baaritaano ayaa ku socda.
Dhibanahan ayaa ah Walaasha mid ka mid ah Marxuumyadii ku naf waayay qaraxii Zoobbe.

Hadaba Waxaan reer mogadishu Uga digayaa burcadnimadaan cusub ee MAGAFAHA xamar ah Inay ka digtoonaadaan gaar ahaan dumarka oo aanay gabdhaha Kaligood socon ama kaligood banaanka loo dirin habeenkii, Maalintiina ay taxadaraan.

Waxaa bartiisa Facebook-ga ku qoray Dr-Dariska Xalaasha.