Banaan Baxayo Rabshada Wata Oo Ka Socda Magaalada Boosaaso

waxaa hadda ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari muddaaharaadyo rabshada wata oo looga soo horjeedo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas.

Banaanbaxayaasha ayaa muujinayay caradooda ku aaddan sida ay uga xun yihiin xil sii heynta Gaas oo ay ku sheegayeen in uu yahay qof gabay howshii loo igmaday.

Booliska magaaladaas ayaa isku dayay in ay xajjiyaan dibad baxayaasha oo mararka qaar rabshado ku dhiirranayay, taas ayaa keeneysa mar walba in ay isku dhacaan booliska iyo dibad baxayaasha.

Beryihii lasoo dhaafay aad looguma riyaaqsanneyn qaab hoggaaminta Gaas oo inta badan magaalada Boosaaso ayuu kala kulmayay mucaaradi badan oo kaga imaaneysay ganacsatada Cali Saleebaan ee halkaas daggan.

Fb Img 1511169774024

Fb Img 1511169782405