Kooxo Hubeysan oo Caawa Weerar ka geestay Muqdisho Iyo warar laga helaayo?

Wararka ka imanaya Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Xamar Jadiid ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo saarnaa Gaari ay rasaas ku fureen Ciidamo katirsan Dowladda oo ku sugnaa Xaafadaas.
Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in askari katirsan Ciidamadii Dowladda ee Goobta ku sugnaa uu ku dhaawacmay, kadibne uu goobta isaga baxsadeen Kooxihii hubeysnaa ee Gaariga watay.
Ciidamada Dowladda ayaa la sheegayaa in howlgalo Gawaarida ay ku baarayaan ay ka bilaabeen Wadooyinka ka agdhaw halka lagu weeraray Ciidamada Dowladda.
Iska hor imaad kooban ayaa la sheegayaa in uu dhex maray Ciidamada Dowladda ee Goobta la weeraray ku sugnaa iyo Kooxihii hubeysnaa ee weerarka ku qaaday.