Akhriso:-Mareykanka oo Soo Bandhigay Shaxda 18 weerar oo Soomaaliya uu Ka Fuliyay

Dowladda Maraykanka ayaa soo bandhigtay shaxda 18 weerar oo xaga cirka ah oo sanadkaan diyaaradaheeda Drones-ku ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.
Weerarada oo diyaarado loo adeegsaday ayaa lagu qaaday Saldhigyo dagaalyahanadda Daacish iyo Al-shabaab ay ku leeyihiin koonfurta,  bartamaha Soomaaliya iyo qeybo katirsan Puntland gaar ahaan Gobolka Bari.
Shaxda lasoo bandhigay ayaa muujinaysa in weerarada ugu badan ay ka dhaceen Gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Dhinaca Puntland, waxaa shaxdaan kaga xusan hal weerar oo 3-dii bishaan November laga fuliyay gobolka Bari, gaar ahaan goobo ay ku kaga sugan yihiin Daacish, waxaana weerarkaas