Madaxda Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna oo Kuwada Hadlaya Magaaladda Nairobi

Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya waxaa ka furmaya wada-hadal u dhaxeeya Madaxweynayaasha Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca Axmed Ducaale Geelle Xaaf , iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan .
Diyaarad khaas ah ayaa labada mas’uul shalay galinkii dambe ka qaaday garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee Magaaldda muqdisho iyadoo geysay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya.
Wada-hadalkaan waxaa garwadeen ka ah Urur Gobolleedka IGAD oo u yeeray Hogaamiyaasha Mamuladda Galmudug iyo Ahlusunna waljameeca.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo wada-hadalkaan waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna iyo sidii Ahlusunna  wax ugu yeelan laheyd Baarlamaanka,iyo Golaha Wasiiradda Galmudug,Galmudugna ay ugu soo guuri laheyd Magaalada Dhuusamareeb oo Caasimad u ah Galmudug.
Wajiga Labaad ee wada-hadalka ayaa ka dhici doona Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya bishaan dhamaadkeeda.