Abuukar Sheikh Nuur: Shucladii Ifeysay, Ma Dhiman Ee Waa Dhuuntay

Waxaa 13-kii bisha magaalada Muqdisho ku geeriyooday aqoonyahan isku darsaday cilmi diini, maadi, qoraa  ay usii dheereyd hal abuurnimada iyo hab dhaqan kan ugu wanaagsan ee bulsho jeclaado, Allaha u raxmadee Abuukar Sheekh Nuur Jimcaale, ma dhiman ee waa dhuuntay, sababtuna waxay tahay waxaa muuqda abuurkiisa haddey ahaan laheyd kuwa dhabarkiisa ka soo go’ay, kuwo uu soo maskax iyo maanba koriyey iyo kuwii aqoontiisa ka faa’iidey.
Taariikh:- Eebbe ha u raxmadee 1947-dii ayuu ku dhashay Abuukar baadiyaha Ceeldheer, halkaas oo uu ku soo barbaaray, kuna soo diin bartay, Iyadoo loo gacangeliyey 1953-dii Macallin Cabdi Sheikh Walaal oo ahaa Qowsaar-diimeedkii deegaankaas, kuma daahin dugsiga oo kutaab fariida uyuu ahaaye isla sanaddii 1955-tii ayuu horjeedkii iyo naqtiinkiiba ku leefay, loogana duco iyo qaalinba bixiyey Madal ay u dhammaayeen madaxweyntii iyo maqaawiirtii deegaanka oo Culumo iyo Cuqaalba lahaa.
Bartamihi 1957-dii ayaa la keenay marxuumka magaalada Ceeldheer oo aheyd Ceel cilmi oo ma-gure ah iyo rug Culimo, oo ayba dhif iyo naadir aheyd in xernimadeeda laga xero-taraaro, iyadoo lagu anqariyey, loona aqriyey kitaabadii xuddunta u ahaa Culuumta Carabiga, Fiqhiga, tasawwufka, ….Markii uu ku indha-bukaaacsaday danbar- aqooneedkii deegaanka, kuna laab iyo maskax furtay labeentii iyo burcadkeedii ayuu u soo jidaalay, una soo jiscin qaatay Xamar sanaddii 1961-dii si uu ugu hammuun gooyo tacliinta, halkaas oo ay uga billaabatay waxbarashadii nidaamiga aheyd ilaa uu sanaddii 1973-dii ka qalin jebiyo dugsigii loo yiqiinay berigaas” Allaahi” ee masaaridu gacanta ku heysay.
Sanaddii 1973 ayuu nasiib u helayey in uu ka mid noqdo ardaydii Jaamacadda Ummada, gaar ahaan kulliyadii waxbarashada ee Lafoole taqassuskiisuna noqday Chemistry& Math,isagoo ka qalin jebiyey 1976-dii. Masterkiisa waxa uu ka qaatay Jaamacadda Ummu-durmaan ee dalka Suudaan sanaddii 2010-kii, isagoo diiradda saaray saameynta gumeystuhu ku lahaa tacliinta Soomaaliya. PHD-dana waxa u qorsha ahaa, miiskana u saarnaa mawduuc cinwaankiisu ahaa (Falsafadda tacliinta Somaliya) Lkn falsafaddii geerida ayaa diiday idleyntiisa. Abukar Sheikh Nuur waxa uu ahaa nin ku firfircoon waxbarashada , wehelkiisa dhabta ahna ka dhigtay buugaagta suugaanta, taariiqda, cilmiga bulshada, falsafadda •
Halgankiisii Nolosha:- Waxyaabaha lagu xasuusto waxa ka mid ah ku biiriddiisii bahdii wargeyskii Xiddigta Oktoobar 1976-dii oo uu muddo 16 sano ah ka shaqeynayey isagoo noqday sanadihii siddeetimeeyadii qoraagii loogu jeclaa, aqriskana badnaa, sababtuna aheyd sheekadii Xididdo (Roots: The Saga of an American Family) ee uu u tarjumay si xariir ah, loona qiray qoraagii ugu horreeyey ee sheekadaa afsoomaaliyeeyey, iyo bogagiisii nolosha iyo cilmiga iyo shaqsiyadda todabaadka ee qamiislaha iyo sabtilaha kala ahaa.
Sidoo kale waxa lagu xasuustaa Macallinimadiisii mugga laheyd ee dugsiyadii sare ee Sakhaawadiin, Janaral Daud iyo weliba kulliyadii Nova Somalia, gaar ahaan qeybtii Iftin ee uu macallimiintii Biibii-dii XALANE maadada xisaabta ugu dhigi jiray.
Burburkii kadib Abukar Sheikh Nuur ma dumin dareenkiisii iyo damiirkiisii ummadeed ee waxa uu ahaay shuclad ifeysa, xubin firfircoon oo ka shaqeysa nabadeynta, wacyigelinta bulshada ee arrimaha dhaqanka nabadda iyo aqoonta, isagoo maamule u noqday xarun dib-uheshiin tii ugu horreysay ee Muqdisho laga furo sanaddii 1995-tii. Sidoo kale waxa uu laba mar hoggaanka u qabtay dalladii ay ku mideysnaayeen ururradii bulshada rayidka( INXA). Abukar Sheikh Nuur waxa uu ahaa shaqsi xishood badan, jecleyn in la sheegsheego, amaba isdheereeyo si loo arko, Lkn marnaba ma qarsooneen oo raadkiisii ayaa meel waliba yill, ha ahaado mid uu tacliin geeyey, mid uu macallin u ahaa, mid uu gacan taageero u fidiyey, mid uu ku anqariyey hanqaastii iyo qalinkii qoraalka.
Dhaxalkii uu nooga tegay:- In kastoo uu ahaa geed -mirood macaan badan, laan-qoyan oo harqabow, raadkiisa ugu weynna uu ahaa raggii uu soo saaray si toos ah iyo si dadbanba, haddana waxa uu nooga tegay buugaag qaarkood aan la daabicin iyo kuwa la daabacay oo ay ka mid yihiin 1- Xididdo: Qiso Qoos ameerikaan ah 2- socdaalkii nabadeed ee Hadraawi 3- Taariikhda tacliinta Somalia iyo saameyntii gumeystaha (1885-1969). 4- barbaarinta aadanaha ee sooyaalka fog .
Sagootin:- Ma aheyn nin xoolo iyo xilba hammigiisu ahaa, balse sidii uu u sameyn lahaa shaqsiyad nolosha wax ku soo biirisa. Eebbe ha u raxmadee Abukar Sheikh isagoo ka calool meran adduunyada ayuu ka rartay, una rartay ruun roonoo Rabbigii raali uga yahay idam Alle.
Abdullaahi Khadar