Robert Mugabe oo markii ugu horeysay Meel aan Laga Fileyn ka soo muuqday Kadib Afgambigii?

Robert Mugabe Madaxweynaha dalka Zimbabwe oo ay xaaladda ku xuntahay ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah lagu arkay tan iyo markii ciidamada afgambiga ku rideen Talaadadii la soo dhaafay.
Madaxweyne Robert Mugabe ayaa ka qeybgalay xaflad qalinjebin ah oo ka dhacday magaalda Harare ee caasimada Zimbabwe waxaana ka maqnaa Xafladaasi Wasiirka Tacliinta sare ee Dalkaasi oo markii hore Xafladaha Nuucaan oo kale ah kala qeyb gali jiray.
Mugabe ayaa loo sacaba tumay markii uu soo galay xaruntii ay ka dhacaysay qalinjebinta iyadoo aysan la socon xaaskiisa Grace iyo weliba Wasiirkiisa Waxbarashada Jonathan Moyo oo ay saaxibo dhow ahaayeen.
Dumar aan badneen oo ku sugnaa Xafladda ayaa u sacaba Tumay Madaxweynaha markii uu Albaabka ka soo galay waxaana wijigiisa laga dareemayay in ay Xaalad culus jirto inkastoo markii hore Robert Mugabe ahaa nin ad adag.
Ciidamada ayaa xeryahooda ka soo dhaqaadhaqaay kadib markii uu Mr Mugabe eryay Ku xigeenkiisii  Emmanuel Mnangagwa toddobaadkii la soo dhaafay kadibna Xaaskiisa Grace Mugabe u magacaabay Madaxweyne ku xigeyn taas oo Dalka gilisay Muran iyo Xaalad siyaasadeed.