XOG:- Maxay Kasoo Doontay Saakay Shirka Golaha Wasiirrada Drs Maryan Qaasim Oo Shalay Is Casishay?

Golaha wasiirada Soomaaliya oo kulankoodu Hada Muqdisho uu ka soconayo ayaa waxaa kusoo biirtay wasiirkii Gargaarka Drs Maryan Qaasim Axmed oo shalay in shaqada ayka tagtay u sheegtay Goobjoog.

kulanka Wasiirada markii ayku soo biirtay waxa ay sidatay warqado Rw Xasan cali Kheyre ay kaga dalbanayso in iscasilaadeeda uu aqbalo, ugu dambeyn waa la ogolaaday Iscasilaadeedii shalay.

Intii uu socday shirkan waxaa caro kaga baxay wasiirkii Maaliyadda Cabdiraxmaan ducaalle Beyle kaas oo la sheegay in uu xafiiskiisa ku noqday.

Xogtan waxa aynu ka helnay Cali Aadan Muumin oo ah weriye ka tirsan Goobjoog Radio.

Wixii kusoo kordha shirka wasiirrada waan idinla soo socod siin doonnaa.