Wasiirka Maaliyadda Oo Qarka U Saaran In Uu Is Casillo

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa isagoo careysan ka baxay shirka golaha wasiirrada ee todobaad laha ahaa.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in uu shirka ka baxay ka dib markii ay is aragti fahmi waayeen qaar kamid ah wasiirrada shirka kasoo qeyb galay.
Shalay ayeey ahayd markii ay is casishay wasiiraddii gargaarka iyo Banii Aadanimada, Maryan Qaasim Axmed taas oo ay isku dhaceen ra’iisul wasaarre Kheyrre .
Lama hubo in uu mari doono waddadii Maryan Qaasim oo shalay is casishay, balse waa arrin kale oo xasaasi ah, taas oo muujineysa habacsanida xukuumadda kheyrre.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa haddii uu rabbi idmo.