Ra’isalwasaare Kheyre: Maamulka K/Galbeed waa in uu degaa Baraawe

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Braaawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kula taliyay in uu dego Magaalada Baraawe .
Ra’isalwasaare Kheyre iyo Wafddi uu hoggaaminayay ayaa shalay gaaray Baraawe waxaana ay halkaas kulan ku wada qaateen Madaxda maamulka Koonfur Galbeed sida Madaxweynaha iyo Guddooomiyaha Baarlamaanka.
sidoo kale Magaalada Baraawe waxaa mas’uulyiinta tagay ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mecheal Keating.
Ra’isalwasaaraha oo xalay la hadlayay dadka reer Baraawe ayaa sheegay in Baraawe ay tahay magaalo muhiim ah oo dadka magaaladana lagu xusuusto kaalintii ay ka qaateen ceyrinta Gummeysigii Boortaqiiska iyo sidoo kale dagaalkii ay la galeen Al-shabaab sida uu yiri.
Ra’isalwasaaraha ayaa dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha Baraawe,waxaana uu ballan qaaday in dowladda dhexe ay kaalinteeda ka qaadaneyso dhismaha dekadda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Baraawe waa caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed sida ku qoran dastuurka Maamulkaas,hayeeshee maamulka waxa uu si kumeel gaar ah ugu shaqeeyaa Baydhaba,iyada oo maamulkaba lagu dhisay Baydhaba xilligaasna ay Baraawe heysteen Al-shabaab.