Ma dhabbaa In Ay Dil Ku Xukuman Yihiin Dhammaan Siyaasiyiinta Kasoo Horjeestay Nidaamka Shariif Xasan sheekh Aadan? (Sir Culus)

Warar hoose oo aan ka helayno magaalada Baydhabo waxa ay sheegayaan in dil loogu hanjabay qaar kamid ah xildhibaannada Koonfur Galbeed iyo kuwa maamulkaas kasoo jeeda.

Cadaadiska lagu hayo maamulka uu hoggaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sii badanaya, waxaana uu go’aansaday in uu bartimaameed sado dhammana siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee wada ololaha lagu ridayo Shariif Xasan.

Dowladda soomaaliya ayaa weli wadda qorshaha lagu burburinayo maamul goboleedyada kasoo horjeestay, waxaana la rejeynayaa in Shariif uu noqdo isku daygii labaad ka dib Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.