Farmaajo Oo Cagta Mariyay Halku Dhig Uu Lahaa AUN Nabaddoon Elman (Haddaba Waa Maxay?)

Farmaajo ayaa meel dadka oo idil ay joogaan ka yiri halku dhig dadka ay la yaabeen oo ahayd “Qoriga qaado qalinka dhig” taas oo ayaan darro ah marka loo eego dalka wixii uu soo maray iyo xaaladda hadda lagu jiro.

AUN Nabaddoonkii Soomaaliyeed Elman ayaa bixiyay halku dhigga lagu diirsaday ee “Qoriga Dhig Qalinka Qaado” si loo yareeyo colaadda iyo nabad gelyo xummada xilligaas dalka ka jirtay.

Dadka qaar ayaa si kale u qaatay, waxaana iswayddiinta mudan sidee bay dowladda ugu baahan tahay taageero shisheeye iyadoo inkabadan 30kun oo askari iyo wax ka badan ay leedahay, Alshabaabna aan ognahay in ay ka yar yihiin 5kun oo askari, mise waxaa jira qorsho kale oo uu Farmaajo maleegayo.

waa su’aalaha iyo tashwiishka lagu furayo hadalka Farmaajo oo si kale noqon kara, haddii la fasiro, waxaana ujeeddadiisu tahay in ardayda jaamacadaha ay iska dhaafaan, baddalkana qoriga qaataan, si ay ula dagaalamaan kooxda Shabaab.

Ma loo hayaa lacag lagu fan gareeyo oo mushaar u noqda? mala kafaallo qaadi karaa amnigiisa? sidee bay ku suurta galeysaa in askari hadda la qoray dagaal iclaamsan in uu ka qayb qaato? su’aalahaas iyo kuwa kale ayaa mudan in la iswayddiiyo, balse warbixinno badan ayaan idinkaga soo gudbin doonnaa haddiii uu rabbi idmo.