Alshabaab Oo Beeniyay War Kasoo Baxay Villa Somalia

War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Shabaab ayaa lagu beeniyay war kal hore kasoo baxay mid kamida wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ah wasiirka warfaafinta ayaa maanta sheegay in howlgal ay ciidamadoodu ka sameeyeen gudaha degmada Jilib ay ku burburiyeen xarumo ciidan oo Al Shabaab laheed islamarkaana ay ku dileen ugu yaraan 81 dagaalyahan!.

Mas’uul katirsan kooxda Khawaarijta Shabaab ayaa beeniyay warka kasoo yeeray DF-ka wuxuuna wax lalayaabo ku tilmaamay sida Villa Somalia ay ugu dhiiranayso been qayaxan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa been aan sal iyo raad midna lahayn sheegashooyinka cadowga ee ku aadan in ay beegsadeen xarumo ay Mujaahidiintu leeyihiin, Waxaana idiin xaqiijinayaa in aanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay degmada Jilib iyo xitaa Jubada dhexe oo uu fuliyey cadowga” Ayuu yiri Sheykh Abuu Muscab.

 Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaadday dagaal ka dhan ah alshabaab kaas oo lagu qaadayo qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka oo ay Kooxda Shabaab ku xooggan yihiin.