Wax Ka Ogoow Shan Waxyaabood Oo Sabab U Ahayd In Uu Aragtidiisa Baddalo Sheekh Xasan Daahir Aways!

Hoggaamiyihii hore ee koox diimmeedka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa soo duubay muuqaal dheer oo uu kaga hadlayo xaaladda jirta iyo sida ay wax yihiin.

Wadaadka oo muddo xabsi guri ku ahaa magaalada Muqdisho ayaa mar qura xalayto soo duubay muuqaal cidkasta ay la yaabtay, markii uu sheegay in uu baddalay mowqifkiisii xagjirnimada ahaa, uun hadda taageerayo dowladda Soomaaliya.

HAddaba Shabakadda wararka ee Shaaciye.com oo aad uga barateen dabagalka ayaa maanta soo gudbinaya Shan waxyaabood oo sabab u ahayd cajaladdii uusoo duubay sheekh Xasan Daahir Aways.

Waxyaabaha sababay waxaa kamid ah;-

 

  1. Heshiis Dhex Maray dowladda SOomaaliya iyoWadaadka;

     waxa aynu xaqiijin karnaa in sheekh Xasan Daahir Aways uu hadda heshiis la galay dowladda Soomaaliya, waxaana heshiiskaas garwadeen ka ahaa weriyihii hore ee Aljaziira ahna agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin, oo isna ah sarkaal kamid ah dowladda Qatar.

Qatar ayaa ku qalqaalisay wadaadka in uu ka tanaasullo aragtidiisa xagjirnimada ah, uuna taageero dowladda Soomaaliya, kaddib waa uu oggolaaday, xalay ayeeyna suurta gal noqotay in uu go’aankiisa si dadban u baddalo

2. Cadaadiska Dhanka Reerkiisa:-

 Beesha uu kasoo jeedo ee Habar Gidir ayaa aad uga dhiidhisaneyd xabsi guriga uu ku jiro sheekh Xasan Daahir Aways, waxaana ay mar walba doonayeen in wadaadkooda xurriyaddiisa dib loo siiyo, balse mar walba isaga ayaa ahaa qofka diiddanaa in uu baddalo aragtidiisa ku aaddan afkaarta diinniga ah; cadaadiska beeshiisa ayaa batay kaddib markii cafis loo fidiyay sheekh Mansuur Rooboow, kaas oo ay kalkii hore aragtida ay Jihaadka u arkaan iskala middeysnaayeen.

3. Doorka Abuu Mansuur; 

Ma Hubo in abuu Mansuur uu si shakhsi ah ugu lugleeyahay isbaddalka aragtiyadeed ee ku timid Sheekh Xasan Daahir Aways haddana mar walba waxaa muhiim ah in reerkiisa ay cadaadiska ku badiyeen dowladda, iyagoo ka dhiidhinaya in Abuu Mansuur cafis loo fidiyo Xasan Daahir na uu xabsi ku jiro, is dhiibiddii Abuu Mansuur waxa ay dhiiro gelisay wadaadka laftirkiisa, taasna waxa aan dhihi karnaa door muhiim ah ayuu ku lahaa Abuu Mansuur in uu aragti ahaan is baddalo Sheekh Xasan Daahir Aways.

4. Siyaasad Kale

Maadaama dowladda Farmaajo uu hareeyay cadaadis badan oo kaga imaanaya beel waynta Hawiye gaar ahaan Habar Gidir oo si ula dagaalshan, khubarrada falanqeeya siyaasadda Soomaaliya waxa ay aaminsan yihiin sababta kusoo aaddisay xilligan in Xasan Daahir uu baddalo aragtidiisa ay tahay in lagu yareeyo cadaadiska siyaasadeed ee ay beeshaas ku heyso dowladda, maadaama codsigooda loo tixgalinayo.

Waan ognahay in aan cafis loo fidin, ha yeeshee waxaa hubanti ah in dhowaan dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqi doonto in cafis qaran loo sameeyay wadaad Xasan Daahir Aways oo kamid ah wadaaddada ugu sareeyay aragtida xagjirnimada.

5) Da’diisa Oo Sara Martay iyo Caafimaadkiisa Qatar Ah

Wadaadka wuxuu qarka u saaran yahay in uu galo da’da 80-ka sanno, inkabadan 20-sanana waxaa uu kujiray halgan iyo nolol aad u adag, sidaa darteeda wuxuu u baahan yahay xilligan nasiinno dheeri ah, maadaama uusan xabsi kale kusii jiri karin, sidaas ayuu u go’aansaday in uu aragtidiisa u baddalo ayeey qabaan qaar kale oo kamid ah xeeldheerayaasha.

F:G: Qoraalkan wuxuu gaar u yahay Shaaciye.com