Soomaaliland Oo Sabab Qariib Ah U Xireysa Isticmaalka Baraha Bulshada

Maamulka Soomaaliland ayaa go’aan kusoo saaray in la xiri doono dhammaan aalladaha la isticmaalo ee baraha bulshada inta lagu guda jiro maalmaha doorashada.

Saddexda xisbi ee ugu sarreysa maamulkaas ayaa ku loollamaya, waxaana lasoo gaba gabeeyay ololihii doorashada ee dhowaanba kasocday deegaannada maamulkaas.

Sababta ugu wayn ee loo xirayo baraha bulshada ayaa lagu sheegay in laga baqayo in ay sameeyaan xasarrado hor leh inta laga go’aaminayo natiijada doorashada Soomaaliland.

Facebook, Instagram, Twitter, iyo dhammaan agabka ay bulshada ku kulanto ayaa la xiri doonaa laga bilaabo 11-ka Novermber ilaa laga gaaro 17-ka isla bishan, si loo yareeyo ololaha dhallinyarada ay ka wadaan baraha bulshada.

Waddani, UCID iyo Kulmiye ayaa sannadkan ku loollamaya doorashada madaxtinimo ee maamulkaas, waxaana laga baqayaa in ay dhacaan rabshado ay sababaan natiijada doorashada.