Mareykan ka Oo Duqeyn Diyaaradeed Ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar aynu ka heleyno duleedka degmada Balcad ee shabeellaha dhexe Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo loo maleeyo in ay geysteen diyaaradaha dagaalka Mareykan ka.

Goobta la duqeeyay waxaa ka ag dhow saldhig ay lahaayeen kooxda Alshabaab waxaana lagu soo waramayaa in halkaas ay ka dhasheen khasaarro iskugu jira naf iyo maalmba.

Diyaaradaha joogga sare ku duulla, islamarkaana aan lahayn duuliyayaasha ayeey sheegayaan dadka deegaanka in ay dul heehaabeysay hawada deegaanka.

Deegaanka la duqeeyay ayaa 7Km duleedka kaga aaddan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe Koomfurta Soomaaliya.

Weli wax war ah kama soo bixin dhanka Shabaab oo sheegaya in ay jirto duqeyn loo maleeyo in uu fuliyay Mareykan ka iyo isla xukuumadda Washington oo iyana aan sheeganin weerarkan.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa haddii uu rabbi idmo.