Alshabaab Oo Dil U Geystay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya

Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Khawaarijta Alshabaab ayaa baahisay in degmada Afgooye lagu dilay taliye kuxigeenkii hore ee nabad sugidda degmada Warta Nabadda.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Nuur Shinni, isagoo kusugan qaybo kamid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Kooxda Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay sarkaalkaas, waxaana ay sheegeen in ay dileen mid kamid ah saraakiisha riddada ah sida ay hadalka u dhigeen.

Degmada Afgooye ayaa wehel u noqotay kooxda Khawaarijta Alshabaab oo beryihii lasoo dhaafay ka geystay falal amniga lidda ku ah.