Uganda oo Ciidamo ka madax banaan AMISOM u soo direysa Soomaaliya

Millitariga dalka Uganda ayaa Khamiistii sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya u soo diraan ciidamo gaaraya Shan Kun oo Askari, kuwaasi oo aan qeyb ka aheyn howlgalka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay qeyb uga qaataan howlgalka dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Brig. Richard Karemire, oo ah Afhayeenka Ciidamada difaaca dalka Uganda oo la hadlaayay Xinhu ayaa sheegay in Uganda iyadoo matalaysa dalalka Pan-Africans-ka ah in ay diyaar u yihiin inay ciidamo u dirto soomaaliya .
“Waxaan mar walbo diyaar u nahay inaan tiro kasto aan u dirno Soomaaliya anagoo dalka ah iyo Pan-Africanis, waxaana u baahan nahay xooggaa taageero ah oo meel walbo nooga timaado” Ayuu yiri Karemire.
Hadalkan ka soo yeeray ciidamada Militaryga Uganda ayaa imaanaya wax kar kadib markii wakiilka gaarka ah ee gudoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan howlgalka AMISOM Francisco Madeira uu Talaadadii ku dhawaaqay in Kun Askari oo ka mid ah 22,000 ee ciidamada AMISOM in dalka Soomaaliya ay ka bixi doonaan 31 bisha December ee sanadkaan.
Ciidamada AMISOM ayaa ka kooban ciidamo ka kala socda wadamada Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti, iyadoona Dalka Uganda uu leeyahay ciidamada ugu badan ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.