Sawirro:Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeyn Xaaf

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay in ka badan 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug kuwaas oo sheegay in ay xilka ka qaadeyn Madaxweyne Xaaf.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka howlan in la soo afjaro dhibaatada ka taagan Galmudug ayaa xildhibaanadii uu la kulmay ka wareestay xaalada deegaanka iyo go’ aankii ay qaatayn 26kii Bishii sagaalaad ee sanadkaan ee ahayd xil ka qaadistii Madaxweyne Xaaf.
Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha u sheegay sababaha ay go’aanka u qaatayn waxaana markii dambe la isku raacay in la raadiyo xalka Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa xildhibaanada ka dalbaday in qoorta ay dhiibtaan kuna qancaan dadaalada Madaxweynaha wado ee xalka Galmudug waxaana la sheegay in ay ogolaadeyn.
Kulan kale oo si rasmi ah loogu soo afjarayo Xiisada iyo khilaafka Galmudug ayaa lagu balamay waxaana kulankaas Iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Farmaajo ayaa hore ula kulmay dhamaaan Madaxda Galmudug waxayna arimahaan oo dhan muujinayaan sida ay uga go’antahay Madaxweynaha Daganaanshiyaha Soomaaliya gaar ahaan buuqa ka taagan Galmudug.
23416316 149295902356367 799118494 N
23416316 149295902356367 799118494 N
23435297 149296025689688 388301750 N
23435297 149296025689688 388301750 N
23435661 149295929023031 1803593783 N
23435661 149295929023031 1803593783 N
23435753 149295732356384 752206566 N
23435753 149295732356384 752206566 N

23439204 149295915689699 97316740 N
23439204 149295915689699 97316740 N