Mareykanka Oo Duqeyn ka fuliyay Deegaano katirsan Gobalka Baay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Dowlada Mareykanka ka fuliyeen deegaano katirsan Gobolka Baay oo masaafo u jirta 160km dhanka Galbeed kaga beegan Muqdisho
Sarkaal katirsan Sirdoonka mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi ka dhacday Gobalka bay lagu dilay rag ktirsan Al-qaacidada Soomaaliya ee Al-shabaab, balse uusa sheegin raga la beegsaday waxa ay yihiin.
Faah faahinada Hordhaca ah ayaa sheegaya inay duqeyntaasi lagu Dilay Ciidamo katirsan Al Shabaab walow aan magacyadooda lasoo Bandhigin. hadana masuuliyadiisa waxaa sheegatay Dowlada Mareykanka.
Dadka deegaanka waxay sheegeen inay maqleen Jugta Madaafiic dhinaca Cirka kasoo dhaceysay ayna ogaan karin wax faah faahin ka baxsan inay maqleen Dhawaqa Gantaaladaasi.
Al Shabaab weli wax war ah kama soo saarin duqeyntaasi ka dhacday deegaano katirsan Gobolka Baay oo masaafo u jirta 160km dhanka Galbeed kaga began Muqdisho.