War Naxdin leh oo laga soo sheegayo Rasaaseeyay Gobalka Shabeelaha Hoose?

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay Gobolkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Gaari Hoomey ah lagu rasaaseeyay inta u dhexeysa Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobolkaasi.
Waxaana uu tilmaamay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, ka dhashay rasaastaasi oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Rag ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda.
Sidoo kale Cabdifataax Xaaji Cabdulle aya hoosta ka xariiqay in shalay sidan oo kale dad shacab ahaa loogu rasaaseeyay Gobolkaas.
Waxaana uu ugu baaqay Taliska Ciidanka Xoogga in uu wax ka qabto dhibaatooyinkaasi iyo kooxaha Isbaarooyinka dhigta deegaanada Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.
Dhanka Kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayu ku eedeyay in uusan wax ka qaban dhibaatooyinka soo laab laabtay ee Gobalka Shabeellaha Hoose, ka dhacaya.